Guterres oo Xamaas ugu baaqay in ay sii daayaan maxaabiista, sida la qorsheeyay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Ururka Xamaas ee Falastiin ku booriyay inay sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta ee la qorsheeyay in la sii daayo Sabtida soo socota.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo dib u soo celin kara colaadda Gaza, haddii kalena ay keeni doonto sida uu yiri masiibo aad u u weyn.

Xoghayaha ayaa Xamaas ka codsaday inay sii deyso qaybta lixaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad heshiiska ee la qorsheeyay in Sabtida la sii daayo.

Xamaas ayaa sheegtay inay hakineyso sii deynta maxaabiista, ka dib markii ay Israel ku eedeysay in ay marar badan ku xadgudubtay heshiiska.

Xoghaye Guterres ayaa labada dhinac ugu baaqay inay ixtiraamaan waxyaabaha ay ku heshiiyaan, isla-markaana ay bilaabaan wada-xaajoodyo dhab ah oo loogu gudbayo wejiga labaad ee heshiiska.

“Labada dhinacba waa in ay si buuxda u dhowraan balamaha xabad joojinta ay ku heshiiyaan, ayna dib u bilaabaan wada-xaajoodyo dhab ah.” Ayuu yiri Guterres.

Intii lagu guda jiray saddexdii toddobaad ee ugu horreysay ee heshiiska, labada dhinac ayaa sameeyay shan jeer oo maxaabiis is dhaafsi ah.

Xamaas ayaa dib xorriyaddooda u siisay 16 Israeliyiin ah, halka Israel ay xabsiyadeeda ka sii deysay 566 Falastiiniyiin ah.

Wejiga koowaad ee heshiiska oo socon doono lix toddobaad ayaa la qorsheeyay in lagu sii daayay 33 Israeliyiin ah iyo 1,900 Falastiiniyiin ah.

Heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ah mid nugul, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu dib uga bilowdo Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker