Dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista oo mowjado ka kicisay Israel

Shacabka Israel ayaa dib u soo celiyay cadaadiskii ay xukuumadda ku saarayeen in ay heshiis wax ku ool ah la gasho Xamaas, si maxaabiista loogu soo sii daayo.

Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan in Israel ay ku xadgudbeyso heshiiska xabad joojinta ayaa waxaa xalay gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo ay shacabka ku dhalleeceynayaan dowladooda.

Shacabka ayaa maanta dibadbaxyadooda ka sii wada Magaalada Jerusalem (Qudus), iyagoo xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbanaya inaanay wax xadgudub ah ku samayn heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga.

Dibadbaxayaal aan badneyn ayaa xiray waddada isku xirto Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, si dowladda ay u taageerto heshiiska xabad joojinta, iyadoo aanu jirin wax carqaladeyn ah.

Dibadbaxayaasha ayaa si kulul Dowladda Netanyahu ugu eedeeyay inaysan dhab ka ahayn xaqiijinta iyo hirgelinta heshiiska.

Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ee galbeedka Jerusalem, iyagoo dalbanaya in maxbuus kasta hoygiisa lagu soo celiyo.

Dibadbaxayaasha ayaa garaacaya durbaano, waxayna wataan sawirrada maxaabiista qaarkood iyo boorar ay ku qoran yihiin ‘hala soo celiyo’. Qaarkood ayaa gacmahooda soo marsaday rinji cas, si ay ugu muujiyaan maxaabiista dhimatay iyadoo la soo badbaadin karay iyo in kuwa weli nool ay noloshooda ku xiran tahay dowladda hadda jirta.

Shacabka ayaa isugu soo baxay bannaanka Xafiiska Raysal Wasaaraha, halkaas oo ay ku shirsan yihiin Golaha Wasiirada ee Amniga Israel.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in goluhu uu ka arrinsanayo jawaabta ay tahay in laga bixiyo dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista.

Ka hor kulanka, Raysal Wasaare Netanyahu ayaa hay’adaha ammaanka kala hadlay qiimeyntooda ku saabsan arrintan.

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeeyay inay isku dayayaan in gebi ahaanba heshiiska la wiiqo, si meesha looga saaro xabad joojinta iyo isweydaarsiga maxaabiista labada dhinac.

Qoysaska ayaa xabad joojinta u arka rajada keliya ee ay ka qabaan inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan, waxa ayna riixayaan in Xamaas lala galo heshiis horseedaya in maxaabiis badan la soo sii daayo.

Netanyahu ayaa dhammaadkii isbuuca diray farriin uu ku sheegayo xaqiiqadii inaanan loo baahneyn in laga gudbo marxaladda koowaad ee heshiiska.

Xamaas ayaa horey ugu eedeysay Netanyahu in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.

Dagaalka Gaza ayaa gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker