Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay dagaalka uu kusoo qaaday Ruushka
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo cirka ah u geysteen xarumaha milatariga iyo saldhigyada ciidamada ilaaliyo xadka.
“Ruushka si khiyaano ah ayuu saakay u soo weeraray qarankeenna, si la mid ah sidi ay Naziyiintii Jarmalka sameeyeen sannadihi Dagaalki Labaad ee Dunida” ayuu ku yidhi madaxweyne Zelensky
Wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu ay dalka gelisay xaalad militari, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan oo ay guryahooda joogaan.
Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay in Ukraine ay jartay xidhiidhkii dibolamaasi ee ay la lahayd Russia. Isaga oo ku booriyay dhammaan muwaadiniinta dooneysa in ay dalka difaacaan ay soo baxaan si loo siiyo hubki ay ku dagaallami lahaayeen.