Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo markale u safraya UAE
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la filayaa in uu galabta safar ugu baxo markale waddanka Imaraadka Carabta.
Cirro, ayaa halkaasi kaga qayb-galaya shirka dawladaha Adduunka ee 2025 kaas oo lagu qaban doono Dubai 11 bishan ilaa 13-ka.
Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxa ka qayb-galaya ilaa 30 madaxweyne, wasiirro iyo madaxda ururro caalamiya.
Madaxweyne Cirro, ayaa la sheegay in uu halkaasi ka jeedino khudbad uu arrimaha Somaliland kaga hadli doono.
Shirka waxa diiradda lagu saarayaa xasilloonida dhaqaale, isbeddelka dhijitaalka ah, maamulka, iyo wada shaqeynta dowladda iyo ganacsiga gaarka ah.