Dowladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Dowladda Sacuudiga oo hadal jees jees kala kulantay Netanyahu

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareyay hadallada daandaansiga ah ee ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee ka dhanka ah Boqortooyada Sacuudiga, ee ku aadanaa in Falastiin ay dhul ka siiso dhulkeeda.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay hadalada xanafta leh ee kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israel Netanyahu, waxaana Wasaaraddu ay ku tilmaamtay in hadaladaasi ay muujinayaan xadgudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo ku xadgudubka Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasaaradda ayaa war saxaafadeedkii ku sheegtay in Soomaaliya si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, waxayna caddeysay inay si joogto ah uga go’an tahay mabaadi’da madax-bannaanida, xasilloonida iyo ixtiraamka sharcinimada caalamiga ah.

Qoraalka waxaa lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay sidoo kale xaqiijineysaa in ay si weyn u taageersan tahay xuquuqda sharciga ah ee dadka reer Falastiin, oo ay ugu horreyso xaqa ay u leeyihiin in ay dhistaan ​​dowlad madax bannaan oo caasimad u ah Bariga Quddus, si waafaqsan go’aannada sharci ee caalamiga ah.”

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa ku tilmaamtay qorshaha Trump ee barakicinta shacabka Falastiin xadgudub halis ah ku ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada iyo mid wiiqaya dadaallada lagu gaarayo nabad waarta oo ka dhacda gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker