Trump: ‘Israa’iil ma weerari doonto Iiraan haddii aan heshiis gaadhno’
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wargeyska New York Post u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu heshiis la saxiixdo Iiraan isla markaana wuxuu yiri “haddii aan heshiinno, Israa’iil ma qarxin doonto iyaga.”
Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan carrabaabi doonin mowduucyada lagu soo qaadi doono wada-hadallada suurto-galka ah ee Iiraan: “ma jecli inaan u sheego waxa aan doonayo inaan u sheego. Ma aha wax fiican.”
Mr. Trump ayaa sheegay inuu rajeynayay “inay go’aansan doonaan inaysan sameyn waxa ay haatan ku fekerayaan inay sameeyaan.
Hadallada Trump ayaa imaanaya iyadoo la hadal-hayo barnaamijka horumarinta nukliyeerka ee Iiraan.
Hoggaamiyaha Iiraan ayaa dhankiisa si cad u diiday wada-hadal lala galo Mareykanka