Puntland oo ka laabatay inay aqbashay Qorshaha Trump ee martigelinta Shacabka Gaza

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegtay in ka Puntland ahaan aysan diyaar u ahayn martigelinta Shacabka reer Gaza iyadoo la eegayo qorshaha Dowladda Mareykanka ay ku dooneyso inay dadkaasi uga barakiciso dhulkoodi si qaxooti ahaanna laga fakaraayo in la geeyo meelo kamid ah Soomaaliya sida degaanada Puntland iyo Somaliland.

War saxaafadeedka kasoo baxay oo ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu yiri “Waxaan meesha ka saaraynaa hadal uu wasiir ku xigeenka warfaafinta u sheegay wargeyska Telegraph ee soo baxay February 8, 2025. hadalka uu jeediyayna kaliya waa aragtidiisa gaarka ah oo aan matalin mowqifka Dowlad Goboleedka Puntland.”.

Sidoo kale waxaa intaas lagu daray warsaaxafeedka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee  Puntland in Puntland ay ixtiraameyso xuquuqda Falastiiniyiinta si ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaadaan dhulkoodi.

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa xustay in  Soomaaliya ay leedahay ballan taariikhi ah oo lagu taageerayo Falastiin maadama ay haysato Xubinnimada Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC .

Hadalka kasoo yeeray wasaaradda warfaafinta ayaa imaanaya maalin kadib markii uu Yacquub Maxamed Cabdullaahi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland uu u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa Dalka UK in ka Dowlad Goboleedka Puntland ahaan ay ku faraxsan yihiin in ay marti galiyaan qaxootiga Gaza, ilaa iyo inta ay si iskood ah u imaanayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker