Madaxda Afrika oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, dalka DRC

sheegayaan in M23 ay kusii dhowaaneyso magaalada Kavumu ee gobolka South Kivu, halkaas oo uu ku yaallo garoon diyaaradeed muhiim u ah ciidamada Congo.

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in cabsi baahsan ay ka jirto magaalada Bukavu, iyadoo dadku ay xirayaan dukaamadooda kuna dadaalayaan inay magaalada ka baxaan.

Kufsi wadareed iyo addoonsi

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa Jimcihii yiri, “Haddii aan wax laga qaban, xaaladda bariga DRC waxay noqon kartaa mid kasii darta taasoo saameyn ku yeelan karta xitaa dalalka deriska ah.”

Turk wuxuu sheegay in ilaa 3,000 oo qof la xaqiijiyay la dilay iyo 2,880 kalena ay dhaawacmeen tan iyo markii M23 ay gashay Goma bishii Janaayo 26, balse khasaaraha rasmiga ah uu noqon karo mid aad uga badan inta la hayo.

Wuxuu sidoo kale xusay in kooxdiisu ay baarayso eedeymo badan oo la xiriira kufsi wadareed, kufsi xoog ah iyo addoonsi galmo.

Kooxda M23 ayaa horey u magacowday duq magaalo iyo maamul u gaar ah Goma.

Waxay ku hanjabtay inay gaari doonto caasimadda qaranka, Kinshasa, inkastoo oo uu u dhexeeyo dhul weyn oo gaaraya 1,600 km, kaas oo le’eg Galbeedka Yurub.

Ciidanka DRC, oo ku caan baxay tababar la’aan iyo musuqmaasuq ayaa dhowr jeer dib uga gurtey furimaha dagaalka.

Weerarka M23 wuxuu sare u qaaday cabsida dagaal gobolka wada gaara, maadaama dalal dhowr ah sida Koonfur Afrika, Burundi iyo Malawi ay militari ahaan u taageerayaan DRC.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker