Xisbiga KULMIYE oo Caddeeyey Qaabka loo soo Dhawaynayo Madaxweynihii hore ee Qaranka

Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa caddeeyey qaabka loo soo dhawaynayo Madaxweynihii 5aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabanaya Salaasada toddobaadkan kadib safar shakhsi ah oo uu dalka dibaddiisa ugu maqan yahay.

Shir ay isugu yimaadeen hoggaanka xisbiga, xubnaha Guddiga Fulinta, qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka ee xisbiga iyo wasiirro, kana qaybgaleen garabka haweenka oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE maanta, waxa lagu falanqeeyey sida loo soo dhaweyanayo Madaxweynaha hore oo la isla qaatay inay noqoto mid kooban oo aan wax u dhimin amniga iyo isu-socodka magaalada, iyadoo aan laga tagayn maamuuska uu xaqa u leeyahay Madaxweyne hore.

Doodo badan iyo falanqayn laga yeeshay arrintaasi kadib, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isagu shirka hoggaaminayey, waxaanu sheegay in masuuliyiin kooban oo isugu jira hoggaanka xisbiga, xubno Guddiga Fulinta ah, xildhibaanno iyo madax kale ay Madaxweynaha hore ku qaabili doonaan madaarka, una soo qaadi doonaan gurigiisa, isla markaana aanay taageerayaashu tagi doonin madaarka Diyaaradaha ee Cigaal.

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker