Xamaas ayaa isu diyaarineysa sii deynta la heystayaal Israa’iili ah
Muuqaallo toos ah ayaa muujinaya Xamaas oo isu diyaarineysa sii deynta saddex la heystayaal rayid ah oo Israa’iil u dhashay – Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami – waxayna ka dhacaysaa sii deynta Deir al-Balah oo bartamaha Qasa ah.
Warbaahinta Israa’iil. oo soo xiganeysa ilo militari, ayaa sheegay in sii deynta la filayo inay dhacdo abbaaro 10:00 xilliga gudaha (08:00 GMT).
Kaamirooyin, tabeelleyaal iyo calanka cagaaran ee Xamaas ayaa durba la suray gawaari xamuul oo cadcad.