Soomaaliya oo digniin kasoo saartay maalgelinta argagixisada

Wasiirrada Amniga Gudaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxyaabihii uga qabsoomay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Cabdulaahi Fartaag ayaa digniin u diray dadka lacagaha maalgalinta ah siiya “Kooxaha argagixisada”. Wuxuu sidoo kale sheegay in maamul-goboleedka Puntland ay ku taageerayaan la dagaallanka kooxda Daacish.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa dhankiisa sheegay inaan la aqbaleyn in dhaqaale lagu bixiyo halligidda shacabka Soomaaliyeed.

“Meelaha ay dowladdu ka taliso sida Suuqa Bakaaraha qiil uma heli doonaan in ay yiraahdaan baad ayaa nagala rabaa.”ayuu yiri wasiirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker