Puntland oo aqbashay qorshaha Trump ee martigelinta Shacabka Gaza

Yacquub Maxamed Cabdullaahi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa Dalka UK in ka Dowlad Goboleed ahaan ay ku faraxsan yihiin in ay marti galiyaan qaxootiga Gaza, ilaa iyo inta ay si iskood ah u imaanayaan.

“Marka hore waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal bariga dhexe” ayuu yiri. Ma jirto sabab qofka dalkiisa looga masaafuriyo oo dal kale loogu soo dhoofiyo iyadoo aanu qofkaasi dooran inuu isaga safro”.

Waxa uu wasiir Yacquub cadeeyay inay ku faraxsan yihiin hadiiba boqolaal Qaxooti Falastiiniyiin ah lagu wareejinayo waxaana uu yiri “Tani dhib maaha, Waanu soo dhawaynaynaa wakhtigaan hadda la joogo, waxaana tixgelineeynaa oo aan raaceyna sharciga caalamiga”.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac, Afhayeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in qaabilaada Falastiin ay faa’iido u leedahay Puntland, isla markaana ay ka caawin doonto sidii ay taageero uga heli lahayd beesha caalamka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheenaya sanadkaan 2025 inuu 100,000 Qof oo Falastiini ah ka saaro magaalada Gaza kuwaasi oo uu doonayo in qaxooti ahaan loogu qaabilo wadamada Carabta, qorshaan waxaa iska diiday Masar iyo Jordan balse hadda wxaa jira soo jeedimo in Somaliland, Puntland iyo Dalka Morocco loo kala qeybiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker