Trump oo la kulmaya Ra’isul Wasaaraha Japan xili uu ka sii darayo loolanka dhaqaale ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay maanta oo Jimce ah la kulmaya ra’isul wasaaraha Japan Shigeru Ishiba, xili labadooduba ay ka walaacsan yihiin dhaqaallaha Shiinaha ee sii kobcaya iyo suurtagalnimada dagaal dhaqaale oo qarxa.
Madaxweyne Trump oo xafiiska jooga sedexdii todobaad ee ugu horeeyay xukunkiisa ayay durba foodda is dareen hoggaamiyaasha caasimadaha shisheeye laga soo bilaabo Ottawa illaa Bogota, waxana laga yaabaa in xaalad kale ay dhex marto wadamadii muddada dheer isbahaysiga la ahaa Maraykanka ee Aasiyada baasifiga sida Japan, South Korea, Australia iyo Philippines.
Saaxiibtinimada muddada dheer ee Maraykanku lalahaa wadamadaas ayaa maraysa tijaabo xili uu canshuurro dheeraada ku soo rogay badeecaddaha Shiinaha kuna hanjabay in uu sidaas oo kale ku sameyn doono dallalka ka faa’iideysta dhaqaalaha Maraykanka waa sida uu qabo Madaxqweyne Trump.
Japan waxay si gaar ah ugu tiirsan tahay ganacsiga: waa dhoofiye weyn waxayna ku xisaabtantaa dhoofinta inta badan alaabaheeda iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah, qaar badan oo ka mid ah shirkaddaheeda ayaa si qoto dheer u maalgeliya kuna tiirsan Shiinaha
Tokyo waxay la wadaagtaa kooxda amniga qaranka Trump ee ku aaddan himilooyinka caalamiga ah ee Beijing iyo sheegashada dhuleed ee ballaaran ee Aasiya, oo ay ku jirto jasiiradda muhiimka ah ee Taiwan.