Trump oo cunaqabatayn ku soo rogay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada
Donald Trump ayaa eedayn u jeediyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), isagoo ku eedeeyay inay tallaabo sharci-darro ah ka oogeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Wareegto uu soo saaray ayuu cunaqabateyn ku saaray maxkamadda, isagoo sheegay inay awooddeeda si qaldan u adeegsatay kaddib markii ay soo saartay waaranno lagu soo xidhayo Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkiisii hore ee difaaca.
Cunaqabteynta ayaa waxay isugu jirtaa xayiraad dhaqaale iyo fiisooyinka shakhsiyaadka iyo qoysaskooda ee ka caawiya baaritaannada ICC ee ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka ama xulafadiisa.
Trump ayaa saxiixay tallaabadan xilli uu ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu booqanayay Washington.
Bishii November ee la soo dhaafay, ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza, taasoo Israel ay beenisay. Maxkamada ICC ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu dalbanayo soo xiridda taliye ka tirsan Xamaas.
Netherland oo iyadu marti galisay maxkamada ayaa sheegtay in ay ka xuntahay amarka Trump.
“Shaqada maxkamaddu waa lama huraan xagga la dagaalanka isla xisaabtan la’aanta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Holland Caspar Voldkamp.