Dhaawacyo kale iyo dad xanuunsan oo maanta laga daad gureyn doono Marinka Qasa lana geyn doono dalka Masar
Warrarka ka imaanaya Marinka Qasa ayaa sheegaya in koox kale oo qaba dhaawacyo halis ah iyo dad xanuunsan laga qaadi doono halkaas, iyadoo la sii marsiin doono Marinka Rafax loona gudbin doono dalka Masar.
Kooxdan oo ah tii lixaad ee laga qaado Marinka Qasa tan iyo markii la saxiixay heshiiska xabad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa ka kooban 49 qof oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah halka kuwa kale ay aad u xanuunsanayaan.
Maamulaha Isbitaallada Qasa ee wasaaradda caafimaadka Falastiin Marwaan Al-Ximis ayaa sheegay in Israa’iil aanay u hoggaansamin dhammaan qodobadii heshiiska gaar ahaan kuwa ku tacaluqa arimaha bini’aadanimada, isagoo hoosta ka xariiqay in tan iyo markii heshiiska la gaaray kaliya laga qaaday Qasa 120 qof oo qaba dhaawacyo iyo xanuunno halisa.
Marwaan ayaa inta ku daray in ay hayaan liiska 35 kun oo qof oo xanuunsanaya kuwaas oo u baahan caafimaad dibadda ah, waxana 40% kamid ah horey ugu dhinteen helid la’aan daaweyn iyo daryeel.