Taliska Ciidanka Puntland oo sheegay in ciidamadu ay dileen 57 nin oo Daacish ah

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in ciidamadu ay Buuraleyda Calmiskaad ku dileen 57 nin oo argagixiso ah, isla-markaana u badan ajaaniib.

Taliska ayaa sheegay in maleeshiyadan oo Daacish ka tirsan lagu dilay dagaaladii Talaadadii iyo Arbacadii ay ciidamadu kula galeen aagagga Dharin iyo Qurac ee jiidda Togjaceyl. Taliska ayaa war uu xalay soo saaray ku sheegay in dhammaan goobahaasi ay ku sugan yihiin ciidamadooda.

Warka ayaa lagu yiri “Ciidanku waxay kale oo gacanta ku hayaan dokumentiyo, hub iyo agab kale oo ay lahayd argagixisada Daacish.”

Waxa kaloo lagu sheegay “Hawlgalku wuu soconaya, illaa gebi ahaanba argagixisada Daacish laga sifeeyo Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.”

Taliska ayaa ka tacsiyeeyay ciidanka kaga dhintay hawlgalka, waxaana uu talisku sheegay in ay naftooda u hureen dadkooda, dalkooda iyo diintooda.

Taliska ayaa shalay galab soo bandhigay meydadka xubno ka tirsan maleeshiyada Daacish oo lagu dilay dagaalkii shalay, waxaana ka sii horreysay Talaadadii oo sidaan oo kale ay meydadkooda ugu soo bandhigeen furimaha hore.

Ciidanka Puntland ayaa 4-tii bishan weerar ballaaran ku qaaday fariisimaha maleeshiyada Daacish ku leeyihiin qaybaha dhexe ee dhulka buuraha ee Gobolka Bari, iyadoo ayna saraakiishu sheegeen in la guda galay wejiga labaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish.

Ciidamada ayaa maalmaha ina soo aaddan wajihi doona dagaaladii ugu adkaa ee ay Daacish la galaan, maadaama ay ku sii siqayaan difaacyadooda dambe ee gobolka.

Khubarada amniga ayaa kuu sheegaya in dagaalku uu weji kale yeelan doono, haddii ciidamadu ay gaaraan qaybaha galbeed ee Togjaceyl. Daacish ayaa deegaanada halkaasi ku leh difaacyo xiriirsan, oo ay adag tahay in si fudud looga saaro.

Dagaalkan ayaa la qiyaasaya in uu daba dheeraan doono amaba uu waqti dheer socon doono, sababtu tahay difaacyada adag ee ay Daacish horey uga qodatay dhulka ballaaran ee buuraha.

Cadaadiska militari ee dhulka iyo cirka ayaa Daacish ku riixi kara in ugu dambayn ay ka qalab qaadato gobolkaasi, iyadoo markaasi u aag bedelaneysa dhinaca Gobolka Sanaag, haddii aynaan isa soo dhiibin amaba aan dhammaan maleeshiyadaasi la dilin. Calmiskaad oo ka tirsan Buuraha Silsiladda Golis ayaa ku fidsan gudaha Somaliland.

Puntland ayaad arkaysaa in ay ka go’an tahay in la soo afjaro joogitaankii Daacish ee Gobolka Bari, qiimo kasta oo ku baxdaba.

Masuuliyiinta Puntland ayaa hadda deegaanada qaar ee Puntland ku abaabulaya shacabka, si loo xoojiyo taageerada ciidamada, loona dardargeliyo hawlgalka.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Puntland ay la gasho kooxaha argagixisada ee dhibaatada weyn ee amni ka abuuray qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Puntland ayaa waxay noqoneysaa Dowlad Goboleedkii ugu horreysay ee iyadoo aan Dowladda Federaalka wax taageero ah ka haysan si toos ah u wajahda kooxahaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker