Kumanaan lagu dilay Goma oo ay ku jiraan dumar nolosha lagu gubay

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in tiro ka badan 100 maxbuus oo dumar ah la kufsaday, ka dibna nolosh lagu gubay intii uu socday dagaalka Goma. Wararku waxay sheegayaan in dumarkaas ay weerareen maxaabiis kale oo jeelka ka soo baxsaday.

Qaramada Midoobay waxay intaa ku dartay in ugu yaraan 2,900 oo qof hadda la fahamsan yahay inay ku dhinteen intii lagu jiray qabsashadii ay falaagadu qabsanayeen magaalada Goma ee Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo.

Afhayeen u hadlay hay’adda arrimaha bani’aadminimada u qaabilsan Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa tiradaas ku tilmaamay mid aad u badan.

Kooxda fallaagada ay Rwanda taageerto ee M-23 oo qabsaday Goma todobaadkii hore ayaa hadda la wareegay magaalada Macdanta laga qodo ee Nyabibwe, inkastoo ay hore ugu dhawaaqeen xabbad joojin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker