16 Tahriibayaal Soomaali ah oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Aljeeriya
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee dalka Aljeeriya, ee ka hoos shaqeeya Taliska Ciidanka Badda, ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan 16 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo doonayay inay si sharci darro ah ugu tahriibaan Xeebaha Waqooyi ee Magaalada Jijel.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in lasoo badbaadiyay lix iyo toban (16) muwaadiniin Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan laba haween ah oo ku jiray xaalado caafimaad oo halis ah.
Waxaana Shaqsiyaadkaan tahriibyay la geeyay dekedda Djen Djen ee Gobolka Jijel, halkaas oo ay ku heleen daryeel caafimaad oo bilow ah ka hor inta aan loo gudbin isbitaal si loogu daweeyo,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda kasoo baxay.
Ugu dambeyn bayaanka waxaa lagu yiri “Howlgalkani wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee cutubyada Ilaalada Xeebaha ee dalka Aljeeriya sida ay uga go’an tahay samata bixinta, si loo badbaadiyo nolosha aadanaha,”.