Xil. Ilhan Cumar iyo Duqa Minneapolis oo Soomaalida sharci la’aanta ku jooga Maraykanka kula taliyay in aysan xogtooda cidna siinin
Xildhibaan Ilhaan Cumar (D-MN) oo dhawaan la kulantay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka ayaa u sheegtay in aysan u hoggaansamin laanta socdaalka iyo canshuuraha, xilli hay’adaha dowladda federaalka Maraykanka ay sii wadaan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah.
“Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed in haddii ICE ay isku daydo inay su’aalo ku weydiiso, waajib kuguma aha inaad ka jawaabto su’aalahooda,” ayay tiri Ilhaan Cumar. “Kaliya sheeg in uu qareen kugula taliyay inaadan ka jawaabin su’aalaha. Shaacinta magacaaga, sharcigaaga socdaalka, iyo qaabka aad ku soo gashay ma ahan mid khasab ah. Barta sharciyada oo isdiyaariya.
Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa u sheegay dadka sharci darrada ku jooga magaaladiisa inuu rabo inay garab istaagaan, isagoo sheegay inay samayn doonaan wax kasta oo awooddooda ah si ay u caawiyaan muhaajiriinta.
“Xeer-ka-soocidda ayaa si cad u qeexaya in mas’uuliyiinta magaalada, saraakiisha booliiska iyo kuwa kale, aysan ururin karin macluumaadka muujinaya cidda jirta iyo cidda aan la diiwaangelin,” ayuu yiri Duqa magaalada Minneapolis.
“Saraakiishayada booliisku lama shaqeyn doonaan sharci fulinta federaalka ee ku xeeran sharciga socdaalka federaalka. Waxaan ku xoojineynaa sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah halkan Minneapolis, waxaana sameyn doonaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodno,” Frey ayaa sidaas ku daray.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo hey’adaha socdaalka ay ka hortagayaan socdaalka sharci darrada ah ee dalka oo dhan. Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku eedeeyay Ilhan Omar inay ka shaqeynayso sidii dadka sharci la’aanta ku jooga Maraykanka ay uga dhuuman lahaayeen hay’adaha socdaalka.