Trump: Iran ‘ma yeelan karto hub nukliyeer ah’
Mar wax laga weydiiyay cunaqabateynta Iran, Trump wuxuu sheegay inuu aad u necebaa in markii horeba uu cunaqabtayn ku soo rogo, uuna doonayo in dalkaas uu guulo gaaro.
Waxaan jeclaan lahaa inaan awoodo inaan “heshiis weyn la galo” dadka quruxda badan ee Iran, ayuu yiri Trump, isagoo intaa ku daray inuu leeyahay saaxiibo badan oo Maraykan-Iran ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado “xaalad masiibo ah” – laakiin waxaa jira hal shay: “ma yeelan karaan hub nukliyeer ah”. Trump ayaa sheegay in ay “nasiib darro tahay” haddii Tehran ay u malaynayso in ay heli karto hubkaas.