Shiinaha oo ku dhawaaqay tallaabo aargoosi ah iyadoo canshuuraha Trump ay dhaqan galayso
Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay in ay canshuuro aargoosi ah ku soo rogi doonto alaabaha Mareykanka.
Tallaabooyinka liddiga ku ah waxa ka mid ah 15% cashuurta dhuxusha iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah ee laga keeno Maraykanka.
Saliida ceyriinka, makiinadaha beeraha, gawaarida xamuulka qaada iyo gawaarida waaweyn ayaa la saarayaa 10% oo canshuur ah.
Ku dhawaaqista ayaa timid wax yar ka dib markii ay dhaqan gashay canshuurtii uu Donald Trump ku soo rogay Shiinaha taas oo ahayd 10%.