Mucjisada lagu arkay ilmo ku dhex jira caloosha hooyo xaamilo ah iyo waxa lagu soo dhex arkay caloosha ilmahaas

Dhowaan ayay ahayd , markii haweeney xaamilo ah oo aaday isbitaal dowladeed oo ku yaala Hindiya si ay u marto tijaabada Kombiyuutarka Uur-kujirta ee ultrasound, dhakhaatiirtu ay ku arkeen Ilmaha ku jira caloosha haweenayda. Laakiin mucjisada la arkay ayaa ah wax u eg ilmo kale oo ku sii dhex jira caloosha ilmaha ay uurka ku sido.

Haweenaydan oo kasoo jeeda degmada Buldhana ee dalka Hindiya oo u aaday isbitaalka si xaaladeeda ula socoto ayaa dhakhaatiirta inta baaritaanka ay ku wadeen ku ogaadeen inuu ku dhexjiro ilmo kale oo aad u yar.

Waaxda caafimaadka Buldhana ayaa u sheegay BBC caafimaadka jireed ee haweenayda in uu yahay caadi ayna gabi ahaan caafimaad qabto.

Dhakhtarka ayaa ku rajo weyn in dhalitaanka haweeneyda uu noqon doono mid caadi ah, kaliyana dhalmada kadib, go’aan laga qaadan doonaan sida labada ilmaha ee isku dhex beermay looga soo saari lahaa.

Waxaa la xasuusan karaa sanadkii hore, dhacdo ilmo sagaal bilood jiray oo laga soo saaray minka qaliin lagu sameeyay isbitaalka Sadiqabad ee gobolka Punjab ee dalka Pakistan.

Dhacdadan, waalidka ayaa sheegay in gabadha ay ooyi jirtay in ka badan oohinta caadiga wixii ka dambeeyay bil kadib dhalashadeeda.

Waxaa ay bilowday caloosheeda in ay bararto, waxaana ay qaadatay wakhti dheer si loo ogaado cudurka.

Ugu dambeyn, dhakhtar qalliinka caruurta oo ka howlgala isbitaalka Sheekh Sayid Hospital ee Rahim Yar Khan ayaa ku sameeyay baaritaanka kombiyuutarka ultrasound, waxaana uu ku ogaaday inay jirto buro iyo kiish biya ah, laakiin intii lagu guda jiray qalliinka waxaa lagu ogaaday ilmo ku jira caloosha iyada oo ay kusii darsan tahay kiishka biyaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker