Kooxda fallaagada bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo xabad joojin ku dhawaaqday
Kooxda fallaagada ah ee qabsatay dhul badan oo ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin billaabanaysa maanta oo Talaado ah.
Bayaan ay soo saareen fallaagada M23 ayay ku sheegeen in ay u sababeeyeen arrimo baniโaadanimo.
Kooxda ayaa horey ugu hanjabtay in ay weerari doonaan meelo ak baxsan Goma sida xaasimada Kinshasa.
Waddamada G 7 iyo Midowga Yurub ayaa hadda si kulul u cambaareeyay weerarka ay Rwanda taageerto, waxayna ku baaqeen wadahadal nabadeed. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sagaal boqol oo meyd ah laga soo aruuriyay waddooyinka magaalada Goma oo fallaagada ay qabsadeen todobaadkii hore.
Isbaheysiga fallaagada oo ay ku jiraan M23 ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay dhul kale qabsadaan.Waxa ay ku eedaysay milatariga Congo in ay dadka laayeen markii ay diyaarado u adeegsanayeen duqeymo ay ku weerareen meelaha ay haystaan.
Ku dhawaaqisteeda xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay iyadoo dhaleecaynta caalamiga ahi ay sii kordhayso oo ay aad ugu soo biirayaan.
Waddamada G7 iyo Midowga Yurub ayaa hadda ku tilmaamay weerarka fallaagada Rwanda ay taageerto inay tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah madaxbannaanida Congo.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa muddo dheer ku baaqayay in cadaadis dheeraad ah lagu saaro Rwanda si ay uga laabato – iyadoo la arkayay in boqolaal kun oo qof ay ku barakaceen saddexdii sano ee la soo dhaafay.