𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐎𝐨 𝐋𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐎𝐨 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐋𝐚𝐚𝐧𝐪𝐚𝐲𝐫𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐬 (𝐈𝐂𝐑𝐂)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta (04.02.2025) Qasriga Madaxtooyada JSL kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti sare oo ka kala socday Guddida Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland (SRCS).
Wafdiga ICRC-da waxa hoggaaminayay Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somaliland/Somalia, Madaxa Xafiiska ICRC-da qaybta Somaliland Mudane Jimcaale Cali Nuur iyo Mudane Axmed Cabdi Bakal oo ah Agaasimaha Fulinta ee Ururka Bisha Cas (SRCS) qaybtiisa Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Weftiga ka socdey Laanqeyrta Cas iyo Ururka Bisha Cas uga mahad naqay booqashadooda isla markaana ku bogaadiyey shaqada fiican ee bani’aadantinimo ee Hay’adahani ay ka hayaan Somaliland.
Madaxweynaha JSL ayaa wuxuu qiray kaalinta wayn ee ay Hy’adahani ka qaataan ka jawaabidda baahiyaha bani’aadamnimo gaar ahaan kuwa caafimaadka, xabsiyada, qeybta naafada iyo dib u soo celinta xidhiidhka qoysaska.
Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Xukuumadiisa uga go’an tahay iyo ahmiyada ay siinayso Nabadda iyo Xasilloonida gobolka, isaga oo sheegay in dedaallada Nabadda, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo u-samo-falka bulshada Somaliland ay tahay muhimadda iyo mudnaanta koowaad ee Xukuumada WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay.
Mudane Antoine Grand, Madaxa ICRC Somaliland /Somalia ayaa Madaxweynaha ku hambalyeeyey guushii doorashadii Madaxtooyada isagoo Somaliland ku ammaanay hannaanka Dimuqraadiyada qaan-gaadhka ah ee Somaliland ka hirgalay. Masuulkan ayaa Madaxweynaha JSL ka siiyey war bixin guud oo ku saabsan taariikhdii iyo howlihii ay Hay’adda ICRC-da ka qabato Somaliland. Waxana uu si gaar ah u tibaaxay taageerada ay Hay’addani siiso Somaliland gaar ahaan xagga Xabsiyada iyo Caafimaadka iyo Daawooyinka.
Mudane Grand waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay taageerada ay ICRC-du siiso Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland ee Goobaha muhiimka ah sida qeybta naafada (PRP), caafimaadka iyo soo celinta xidhiidhka qoysaska ay colaaduhu kala kexeeyeen. Mudane Antoine Grand waxa uu Xukuumadda Somaliland uga mahadceliyey sida ay ula shaqaynayaan Hay’adiisa, iyo taabo gelinta hawlaha ka socda Somaliland.
Agaasimaha Fulinta ee SRCS qaybta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Bakal ayaa isagu dhinaciisa Madaxweynaha JSL war bixin qoto dheer ka siiyey hawlaha ballaadhan ee Hay’adda Ururka Bisha Cas ka fuliso guud ahaanba lixda Gobol ee Somaliland. Wuxuu sidoo kale sheegay iskaashiga adag ee ay la leedahay ICRC (Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas) iyo Ururada Bisha Cas, iyo sidoo kale taageerada ay ka heleen Laanqayraha Cas ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Finland, Germany iyo Norway.
Kulankan ayaa ku soo gebageboobey is-af-garad iyo in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya ICRC-da, SRCS iyo Xukuumadda Somaliland si wax looga qabto baahiyaha bani’aadanimo ee haatan ka jira.