Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Shalay ee deegaanka Duud-carraale Ee Ceelafweyn
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaan hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag,waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ugu yaraan 5 Qof halka Saddex kale ay ku dhaawacmeeen .
Guddoomiyaha deegaanka Ceel-Afweyn Cabdiraxiin Yuusuf Axmed ayaa Warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadkaas dagaalamay horay heshiis loo kala dhex-dhigay, hayeeshee ka maamul ahaan aanay awood u laheyn xilligaan in ay kala dhex galaan.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga & Booliska Somaliland oo ku sugan deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ay ku baxeen si ay u joojiyaan dagaalka dhex maray labada maleeshiyo beeleed.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno deegaanka lagu dagaalamay ee Duud-carraale oo ku yaalla Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee markasta dagaal la filan karo maadaama maleeshiyaadka ay weli goobihii lagu dagaalamay isku hor-fadhiyaan.
Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa kusoo laab laabtay dagaalka dhexmaraya beelaha,waxaana Xukuumadda Somaliland ay dhowr jeer isku dayeen inay xal ka gaadhaan balse ay shacabka Somaliland ay xukuumada somaliland ku eedeenayaan inay dagaalkaas faraha kula jirto islamarkaasna inaanay daacad ka ahayn inuu colaada Deegaankaasi la joojiyo.
Oodweynenews Sanaag Office