Khasaare xooggan oo ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Manbij ee dalka Suuriya

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Manbij ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen difaaca madaniga ah.

Difaaca madaniga ah ayaa sharaxay in tiro ka mid ah dadka dhaawaca ah ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, “taasoo ka dhigaysa inay u badan tahay in dhimashadu ay kor u kacdo, dhamaantoodna waxay ahaayeen shaqaale beeraley ah.”

Dhankeeda, kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in “qarax khasaare dhaliyay” uu gilgilay magaalada Manbij ee ku taal baadiyaha bari ee Xalab, oo ka tirsan goobaha ay maamulaan kooxaha “Ciidanka Qaranka”.

Goobjoogayaasha ayaa ku micneeyay in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay wadada weyn ee laamiga ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, “iyadoo kooxaha gurmadka deg deg ah ay goobta u tageen si ay u daabulaan dhaawacyada, iyadoo goobta uu ka dhacay argagax iyo qalalaase.’’ayuu yiri qof goobjeeg ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker