Horta yaynu is-haynaa ma golaha wasiirada Punland mise cid kale

Ninna kama qarsoona meesha uu ka soojeedo iyo cidda dabada ka riixaysa ololaha lugula dirirayo gudniinka gabdhaha ee diinteenu jidaysay.

Qofna uma baahna in loo sharxo ujeeddada laga leeyahay lacagaha lugu bixinayo maahruucaan oo aan luguu ogolayn inaad u isticmaashid baahiyaha daruuriga ah ee dadweynaha ama gabdhuhu qabaan.

Wax kale iska daaye aan lugugu siinayn joojinta gudniinka fircooniga ah ee diinta khilaafsan, gabdhahana u geysanaya dhibaatada caafimaad.

Waa laga wada dharagsan yahay ololeyaasha iyo isku dayada isdaba jooga ah ee ay ku doonayaan soo saarista xeerar sida ay rabaan u qoran iyaga oo u maraya qabashada shirar, Seminaaro iyo soo saarista qoraalo.

Marka isku daygoodu u hirgali waayo kama haraan ee muddo ayay hoos ka shaqaynayaan, ka dibna way soo laba-kacleeyaan iyaga oo wata xeelado cusub iyo dad aan ahayn kuwii horay u fashilmay.

Mararka qaarkood ololaha cusub waxay la sugaan inta uu isbadalayo maamulkii awal ay mari waayeen. Marar kale waxay la eegataan xilliyo maamulka dhib haysto oo uu jilicsan yahay.

Si ay xeerkaas u marsiiyaan mashaariic kale oo laga sugayey ayay shardi uga dhigaan socodsiinta xeerarka ay rabaan ama mashaariic ayay ballanqaadaan haddii loo baasgareeyo xeerarkaas.

Nin garyaqaan ah oo la taliye sharciyada u ah baarlamaan ka mid ah baarlamaanada maamulada Soomaaliyeed ayaa ii sheegay in xeerar ay wasaarado usoo dhiibeen baarlamaanka la keenay oo lugu wareejiyay garyaqaanadii si ay usoo qiimeeyaan. Markii baarlamaankii soo diidayna uu safiir dal Yurub ah madaxweynaha u keenay oo ku yiri xeerarkaan baarlamaanka marsii !.

Dhinac kale waxaa laga warhayaa ololaha dunida ka socda ee dalalka laga taag roonyahay lugu tirtirsiinayo inay qaataan hab fakarka, halbeegyada iyo hab dhaqanka dalalka reer galbeed oo aan la iska kala shaandhayn oo la doonayo in sidii miraha bardaha duuduub loogu liqo.

Waxaad ka warhaysaan dooda iyo jawaabaha madaxda Afrikaanku ay ka bixiyeen afkaarta iyo dhaqamada lugu riixayo.

Waxa socda waa xurmooyin afkaar iyo dhaqamo xun xun ah oo markii mid lugu marsiiyaba mid kasii xun daba socoto.

Arrimaha aynu soo taxnay waxay inoo caddaynayaan in aanay meesha ool masalooyin cilmi iyo diin ah oo la iska waraysanayo ma waajibbaa mise waa sunne ee xaqiiqadu ay tahay sharciyee wax ka soo horjeeda wixii Nabi Muxammad صلى الله عليه وسلم iyo asxaabtiisa laga dhaxlay adoo ku tixgalinaya nin aan rumaysnayn diintaada iyo Nabigaaga midna.

Dhinac kale cidda aynu is-hayno maaha golaha wasiirada Puntland ama qaar ka mid ah ee waa cidda har iyo habeen ina ka dabawada waxa aynu ka soo hadalnay oo mar walba inoo adeegsanaysa tabo iyo xeelado cusub, mar kastana inoo soo adeegsanaysa dad hor leh iyagoo ka faa’iidaysanaya baahida dhaqaale.

Waxaa isweydiin mudan nimanku ina kalama tashadaan diintooda iyo dhaqankooda ee Keenna maxaa faraha u galiyey mise innaga ayaan qaangaar ahayn oo ay tahay in la inoo taliyo?, wisaayadii soo kama aynaan bixin 1960kii mise dib baa la inoo ku celiyay ee anigaan war hayn?.

Gabagabadii waxaa ina la gudboon in aan sun la inoo qarin, waad baahantihiina aynaan bakhti u cunin, diinteena iyo dhaqankeena wanaagsana aynu ilaashano, wixii ina ka khaldana (fircooni) aynu iska saxno, innagana aan la iska keen horkeenin.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker