𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐝𝐚𝐫𝐝𝐚𝐚𝐫𝐚𝐧𝐨 𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐢𝐲𝐞𝐲
– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda, kuwaasoo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay xilal.
Kulankan oo uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha guud oo ay ka qaybgaleen dhammaanba Agaasimayaasha Guud ee magacaabani, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dul istaagi lahaa, hoostana looga xarriiqi lahaa hawlaha mudnaanta u leh Xukuumadda 𝐖𝐀𝐃𝐀-𝐉𝐈𝐉𝐑 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐀𝐗𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃, maaddaama oo ay Agaasimayaasha Guud Tiir-dhexaad u yihiin fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha in bulshada Somaliland adeeg hufan.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Diinta iyo Awqaafta.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran Agaasimayaasha Guud iyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin fulinta hawlaha mudnaanta u leh harumarinka Qaranka JSL, ayaa waxa uu yidhi: “Agaasimaha guud waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Xukuumadda 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐉𝐈𝐑 & 𝐖𝐀𝐗-𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃. Taasi waxa ay muujinaysaa culayska mas’uuliyadda idin saaran, waxa ay fure u tahay guusha ama guuldarrada ay xukuumaddu ka gaadhi karto, fulinta ballanqaadyadeeda iyo gaadhista yoolasha u dejisan.”
Madaxweynuhu waxa uu Agaasimayaasha Guud faraqa u sudhay dardaaran muhiim ah, waxana uu faray inay hubin joogta ah ku sameeyaan shaqada Wasaaradahooda iyo Hay’adahooda ka socotaa inay waafaqsan tahay qorshihii, siyaasaddii iyo ballanqaadyadii ay Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku gashay xilligii Ololaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi:
“ Waa in Agaasimuhu uu si xilkasnimo leh oo buuxda u qaato mas’uuliyadda shaqo ee saaran. Xilka la idiin igmaday maaha shaqo maalmeedka wasaaradda oo keliya. Balse waxaa ka mid ah inaad hubisaan in waxqabadka iyo adeegga ay Wasaaraddu bixisaa uu waafaqsan yahay siyaasaddii iyo qorshihi Xukuumadda.”
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Agaasimayaasha Guud faray inay la jaanqaadaan isbedbeddelka xawaaraha ku socda ee dunida ka socda fahamkoodana kobciyaan, waxana uu yidhi: “Si ay shaqada u fududaato, waa in aynnu la jaan-qaadno dunidan isbeddelkeedu xawaaraha ku socdo, waa in Agaasimuhu noqdaa shakhsi curin leh oo si joogto ah u sii kobciyaa hannaanka casriga ah ee shaqada.”
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu si dhaw ula socon doono shaqooyinka ka socda Wasaaraha kala duwan ee ay Agaasimayaashu masuulka ka yihiin, shaqadooduna nodon doonto mid xisaabtan leh, waxana uu yidhi: “Aniguna Madaxweyne ahaan waxa aan si dhow ula socon doonnaa horusocodka shaqada wasaarad kasta, taas ayaana la idinkula xisaabtami doonaa.”
Dhinaca kale, kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha Guud waxa hadallo nuxur leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo isagu ah Guddoomiyaha Agaasimayaasha Guud