Xukuumadda Somaliland oo Xidhay Maxjar Lagu Hubiyo Caafimaadka Xoolaha oo uu Leeyahay Ganacsade Carbeed

Xukuumadda Somaliland ayaa ruqsaddii kala noqotay maxjarka lagu hubiyo caafimaadka xoolaha ee ku yaalla magaalada Berbera, kaasi oo uu leeyahay ganacsade Carbeed.

Ganacsadaha, oo lagu magacaabo Abu Yaasir, ayay Somaliland ku eedaysay inuu caqabad ku noqday dhoofinta xoolaha, isla markaana uu heshiis la galay Dowladda Soomaaliya, arrintaasoo xadgudub ku ah siyaasadda arrimaha gudaha Somaliland, sida uu BBC Somali u sheegay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb.

“Waxaad ogtahay in suuqa ugu weyn ee xoolaha aanu leenahay uu yahay Sacuudi Carabiya. Somaliland waxa ay leedahay saddex maxjar oo xoolaha la mariyo, mid ka mid ah oo uu maamulayay ganacsade Abu Yaasir ayaanu goโ€™aan ka gaadhnay oo aanu xidhnay, ka dib markii aanu ogaanay inuu heshiiskaas galay,” ayuu yidhi Wasiir Shucayb.

Wasiirku waxa uu sheegay in, ka hor intii aan la xidhin maxjarka, ay ganacsadaha ugu yeedheen magaalada Jabuuti, ayna ka codsadeen inuu ka noqdo heshiiska. Inkasta oo uu qiray in uu khaldamay, haddana wuu ka noqon waayay, sidaasna waxa uu ku waayay ruqsaddii maxjarka.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan Dowladda Soomaaliya ku eedaysay inay heshiis la gashay ganacsadahan, isla markaana uu heshiiskaasi ka hor imanayo jiritaanka Somaliland, caqabadna ku yahay dhoofka xoolaha.

Magaalada Berbera ayaa xarun u ah dhoofka xoolaha Soomaalida, iyada oo sannadkasta malaayiin neef oo iskugu jira, adhi, lo’a iyo geel laga dhoofiyo, sidookale waxa ku yaala maxjaro waawayn oo caafimaadka xoolaha lagu baadho.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker