Qaar ka mid ah sheekooyinka argagaxa leh ee Qaza “Lafaha gabadhayda waxay ku kala firirsan yihiin dhulka”

Wax walba way isku qasan yihiin. Shandad caruur midab leh, Kabo, Dheri bir ah oo jeexjeexan alaab badan ayaa dhulka daadsan. Qaybaha sariir, kursi, shoolad, muraayadaha daaqada, iyo Dhar jeexjeexan ayaa dhulka wada daadsan.

Walxahaan jajaban ee boorka leh waxaa loo isticmaali karaa calaamado wax lagu aqoonsan karo. Waxay qeyb ka yihiin meydadka weli ku hoos aasan burburka.

Haitham al-Hummus, oo ah agaasimaha gurmadka degdega ah iyo ambalaasta ee Ururka Difaaca Madaniga ah ee Rafah, oo ku taal barta koonfureed ee marinka Qaza, ayaa yiri: “Tan iyo markii ciidamada Israa’iil ay ka baxeen Rafax, waxaan helnay ilaa 150 wicitaan oo muwaadiniin ah oo ku saabsan meydadka eheladooda oo laga helay burburka guryahooda.”

Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay qiyaaseen in ilaa 10,000 oo qof la la’ yahay.Waxaa jira xaalado ay calaamado muuqdaan, sida dharka, oo la arki karo burburka dushiisa, kooxaha baarayaashu waxay ku tiirsan yihiin macluumaadka qaraabada iyo deriska ama waxay raacaan ur ka soo baxaya burburka hoostiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker