Madaxweynaha cusub ee Suuriya Al-Sharaa oo wacad ku maray inuu dembiilayaasha baacsan doono
Madaxwaynaha cusub ee dalka Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa balan qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay, taas oo ka turjumaysa rag, dumar iyo dhalinyaraba.
Isaga oo tixraacaya nidaamka Bashaar Al-asad ee la afgembiyay, ayuu al-Sharaa ballan qaaday in uu baacsan doono, waa sida uu hadalka u dhigaye, dadka dambiilayaasha ah ee geystay xasuuqa iyo dembiyada ka dhanka bini’aadanimada.
Hadalladan ayu uku sheegay khudbadiisii ugu horeysay ee uu qaranka u jeediyay, tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas, Bashaar al-Assad.
Sharaa ayaa madaxweyne loo magacaabay “muddo ku meel gaar ah”, toddobo toddobaad ka dib markii uu hoggaaminayay weerarka xoogagga mucaaradkaa ee xukunka ka tuuray Assad.
Ka madaxweyne ahaa, Sharaa ayaa waxaa uu soo dhisi doonaa gole sharci-dejin oo ku meel gaar ah si uu gacan uga geysto maamulka ilaa laga ansixinayo dastuur cusub, ayuu yiri Ghani