Xoogaga Xamaas oo maanta sii deynaya sideed maxbuus

Xoogaga Xamaas ayaa lagu wadaa in Khamiistan ay sii daayaan sideed maxbuus, oo shan ka mid ah ay u dhasheen dalka Thailand.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa xaqiijiyay in iska caabinta Falastiin ay maanta sii deyn doonto saddex Israeliyiin ah iyo shan reer Thai ah (Thailand).

Afhayeenka ayaa tilmaamay in saddexda qof ee Israeliyiinta ee la sii deynayo ay isugu jiraan laba dumar ah iyo nin 80 jir ah.

Afhayeenka ayaa magacyada saddexdaasi qof ku kala sheegay Arbel Yehoud 29 jir, Agam Berger 20 jir iyo Gadi Moses oo 80 jir ah.

Israel ayaa Sabtidii ka carootay inaanay Arbel Yehoud ka mid noqonin saddex maxbuus oo xilligaasi ay Xamaas sii deysay. Israel ayaa dalbatay in si degdeg ah loo soo sii daayo gabadhaasi, haddii kalena ay u arki doonto in Xamaas ay heshiiska jebisay.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa Xamaas ku cadaadiyay in gabadhaasi ay sii deyso, ka hor maalinta Jimcaha ah. Xamaas ayaana sheegtay in ay sii deyn doonto gabadhaasi iyo laba kale oo maxaabiista Israeliyiinta ah.

Dhanka kale lama sheegin magacyada muwaadiniinta u dhashay dalka Thailand ee maanta la sii deynayo, balse waxay ka mid yihiin kuwii ay kooxaha wax iska caabinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023. Dadkan ayaa qayb ka ahaa shaqaalaha ajaaniibta ee lala soo kaxeystay Israeliyiin isugu jirtay rayid iyo askar. In ka badan 20 qof oo muwaadiniinta Thailand ah ayay Xamaas ku sii deysay xabad joojintii halka toddobaad socotay ee lagu heshiiyay bishii November ee sanadkii 2023. Israel ayaa sheegtay sideed kale ay weli harsan tahay.

Xoogaga Xamaas ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dadkaasi ku wareejiyaan Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, si loogu qaado xuduudda Gaza la leedahay Israel. Militariga Israel ayaa halkaasi kula wareegi doona maxaabiista, si ay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Xamaas ayaa maxaabiistan ugu dambeysay ku bedelaneysa 110 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo ku xukuman xabsi daa’in iyo xabsiyo dhaadheer.

Waa qaybtii saddexaad ee la isku dhaafsanayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.

Wejiga koowaad ayaa socon doono muddo 42 maalmood ah, ka hor inta aan loo gudbin wejiga labaad, waaba haddii aan xabad joojinta lagu xadgudbin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker