Toban qof oo lagu dilay duqayn ay Israel ka gaysatay Daanta Galbeed ee la haysto

Ugu yaraan toban qof ayaa xalay lagu dilay weerar xagga cirka ah oo Israel ay ka gaysatay waqooyiga Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Tammun oo hoostaga Magaalada Tubas ee Daanta Galbeed.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in diyaarad drone oo Israel ay leedahay ay saddex gantaal ku dhufatay guri la deganaa.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in 10 qof ay ku dhinteen duqayntaasi, tiro kalena ay ku dhaawacantay. Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay qaarkood ay xaaladdoodu garaab tahay.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay beegsadeen guri ay ku sugnaayeen koox hubeysan, balse ma bixin faah faahin intaas dheer.

Duqaynta ayaa ku soo aadaysa, iyadoo Ciidamada Israel ay toddobaadkii labaad hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Jenin ee waqooyiga Daanta Galbeed.

Ciidamada Israel ayaa 21-kii bishan bilaabay hawlgalka Jenin, oo taliskoodu uu ugu magac-daray (Hawlgalka Darbiga Birta), kaas oo ay kula dagaalamayaan kooxaha wax iska caabinta.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay in 16 qof oo shacab ah lagu dilay hawlgalka ballaaran ee Israel ka waddo Jenin.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa Arbacadii sheegay in la ballaarin doono hawlgalka, isagoona sheegay inaanan ciidamada laga soo saari doonin Jenin, xitaa marka uu dhammaado hawlgalka.

“Xeradu kuma noqon doonto sidii ay ahayd, xitaa marka uu dhammaado hawlgalka. Ciidamada Israel ayaa sii joogi doona, si ay u hubiyaan in argagixisadu aysan ku soo laaban.” Ayuu yiri Katz.

Israel ayaa lagu dhalleeceeyay inay u soo jeedsatay in ay xaalad abuur ka sameyso Daanta Galbeed, ka gadaal markii ay aqbashay heshiiska xabad joojinta ee 19-kii bishan laga dhaqangeliyay Marinka Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker