Puntland oo si adag u beenisay in muwaadiniin Itoobiyaan ah lagu dilay degaanadeeda

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u beeniyay wararka sheegaya in muwaadiniin Itoobiyaan ah lagu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe.

War saxaafadeed kasoo baxay ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in wararka lagu qoray warbaahinta ay yihiin kuwa aan sal iyo raad lahayn oo marin habaabin ah.

Booliiska waxay xaqiijiyeen jiritaanka waxay ku tilmaameen dhacdo yar oo ka dhacday magaalada Garowe, taasoo ahayd in dad shacab ah ay dhagxaan ku tuureen muhaajiriinta Itoobiyaanka, balse waxay sheegeen in dhacdadaasi aysan jirin cid si xun ugu waxyeellowday.

Ciidamada Booliiska waxay sheegeen inay si degdeg ah usoo farageliyeen dhacdadaas, islamarkaasna ay xireen dadkii falkaas ka dambeeyay.

“Waxaan uga digaynaa dadweynaha inay falal noocaas ah ku kacaan, waxaana mar kale adkeyneynaa sida ay nooga go’an tahay ilaalinta ammaanka iyo badqabka dhammaan shacabka, oo ay ku jiraan muhaajiriinta,” ayaa lagu yiri warka Booliiska Puntland.

Shalay ayay ahayd markii warbaahin laga leeyahay Itoobiya ay qortay in saddex qof oo Itoobiyaan ah lagu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, kaddib markii ay sheegeen in dad caraysan iyo laamaha amnigu ay beegsadeen dadkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker