40 Daqiiqadood ka horKhasaaraha ka dhashay diyaaradihii hawada iskula dhacay

Arbacadii abaare 9-ka habeenimo xiliga maxaliga ee Mareykanka, diyaarad rakaab oo Mareykanku leeyahay oo an nooca qumaatiga u kaca oo nambarkeedu ahaa 5432 ayaa waxay isku dhaceen diyaarad kale oo ay leeyihiin milatariga Mareykanka, xili ay ku sii jeedeen garoonka diyaaradaha Reagan ee magaalada Washington, sida laga soo xigtay maamulka diyaaradaha federaalka.

Diyaaradda rakaab ayaa waxaa saarnaa 60 qof iyo afar kamid ah shaqaalaha diyaaradaas, halka tan milatarigana ay saarnaayeen saddex ka tirsan ciidamada dalka Mareykanka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo soo baxay oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay shilkaas, ha yeeshee warbaahinta CBS ayaa ku warrantay in 18 meyd laga soo dhex saaray biyaha, oo ah dabcan webiga Potamac oo ay ku dhex dhaceen.

Warar horudhac ah oo ka soo baxay warbaahinta Mareykanka, ayaa sheegaya in diyaaradii rakaabka siday ay ku burburtay webiga, halka helikobtarkana uu isagoo rogmaday ku dhex jirto biyaha dhexdooda.

Booliiska iyo waaxda dab-damiska ayaa biyaha ka baarayay dadka ka badbaaday heerkulka qaboow, iyadoo doonyaha booliiska ay caawinayaan, sida ay sheegtay warbaahinta CBS

Baadigoobka iyo samatabbixinta ayaa laga arkayey garoonka diyaaradaha ee Ronald Reagan, kaas oo u dhow wabiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker