Maxkamadda ICC Oo Waaran Qabasho Ah U Jaraysa Hogamiyeyaasha Dagaalka Suudaan

 

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ICC ayaa doonaysa in ay soo saarto waaran lagu soo xidhayo Hogamiyeyaasha Dagaalka Suudaan oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada, iyo xasuuq ka dhacay gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha ICC, Karim Khan, mar uu khudbad ka jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuu sharaxay korodhka rabshadaha, oo ay ka mid yihiin dilal wadareedyo, weerarro lagu beegsanayo dadka rayidka ah, iyo tacaddiyo kufsi ah.

Khan wuxuu Golaha amaanka u sheegay in dambiyadani ay sii kordhayaan gudaha Darfur, isaga oo carrabka ku adkeeyay tacaddiyada kufsiga “Dad rayid ah ayaa si toos ah loo bartilmaameedsanayaa, haweenka iyo gabdhaha waxaa loo geysanayaa tacaddiyo kufsi ah, bulshooyin dhan ayaana la burburinayaa,” ayuu yiri. Waxa Uu sheegay in ay tahay caddayn la xaqiijiyay oo si qoto dheer loo baadhay.”

Colaadda Sudan waxay billaabatay bishii Abriil 2023, markaas oo dagaal uu qarxay dhex maray milatariga dalka iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Rapid Support Forces (RSF). Gobolka Darfur, oo mar hore uu xasuuq iyo dambiyo dagaal uga dhacay labaatan sano ka hor, ayaa mar kale noqday xarun rabshado xoogan ay ka socdaan, Khan wuxuu sheegay in xaaladda hadda jirta ay si cad u xasuusinayso rabshadihii 2003, isaga oo tilmaamay in bulshooyinkii hore u dhibanaa ay markale la kulmayaan xaaladaas oo kale.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker