Komishanka Doorashooyinka Oo WADDANI Dib Ugu Celiyey Xubin Uu Usoo Magacaabay
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay in ay dib ugu celiyeen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI mid kamid ah labadii xubnood ee uu xisbigaas u soo magacaabay inay sida joogtada ah ula shaqeeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka (Task Force), waxaana la sheegay inay ka dalbadeen in ay xubintaas ay baddalkeeda soo magacaabaan.
Labada xubnood ee uu xisbiga WADDANI u soo magacaabay inay farsamo ahaan ula shaqeeyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa kale ahaa Ismaaciil Aadan Cismaan “Ismaaciil Yare ” iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, balse Komishanka Doorashooyinka ayaa diiday oo dib ugu celiyey Xisbiga WADDANI Xuseen Axmed Caydiid, waxaanay ka codsadeen inay baddelkiisa soo magacaabaan,iyadoo uu Xisbiga WADDANI uu u soo magacaabay xubintaas Khadar Xuseen Cabdi.
Dhanka kalena Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay diidista Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid inay ku sababeeyeen inuu yahay Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.
Geesta kalena saddexda Xisbi Qaranka ayaa min laba xubnood oo farsamo ahaan ula shaqeeya Komishanka Doorashooyinka Qaranka u magacaaba, waxaana hadda Xisbiga WADDANI ugu qoran Ismaaciil Adan Cismaan Iyo Khadar Xuseen Cabdi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga.