Baaqyada nabadeed ayaa isa soo taraya iyadoo ay Iska hor imaadyadu ka socdaan magaalada muhiimka ah ee dalka DR Congo
Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan wadahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo rabshadaha sii kordhaya ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Halka ay ku dambayn doonto xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Goma wali ma cadda. Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaaladdu ay qasan tahay, iyadoo dagaalka uu weli ka socdo qeybo ka mid ah magaalada.
Sarkaal ka tirsan dowladda Congo ayaa sheegay in ciidamadu ay weli gacanta ku hayaan inta badan xarunta gobolka, balse fallaagada M23 oo soo weerartay magaalada ayaa arrintaas ka muransan.
Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 17 qof ay dhinteen, ku dhawaad 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Talaadada, Koonfur Afrika ayaa sheegtay in afar kale oo askarteeda ah, kuwaas oo ku sugan DR Congo oo qayb ka ah dadaallada nabadeed, ay ku dhinteen isku dhacyada M23.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa Isniintii la hadlay dhiggiisa Rwanda Paul Kagame, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen baahida degdegga ah ee xabbad-joojinta iyo dib-u-soo celinta hawlaha nabadda.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu qabto kulan degdeg ah gelinka dambe ee Talaadada.