37 qof oo looga shakisan yahay argagixisanimo oo lagu xiray bariga Afrika
Soddon iyo toddoba qof oo looga shakisan yahay argagixisanimo, kuwaas oo ay ku jiraan xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Dowladda Islaamka, ayaa lagu xiray guud ahaan Bariga Afrika labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen booliska caalamiga ah ee Interpol, maantay oo isniin ah.
Booliska caalamiga ah ee Interpol, oo xaruntiisu tahay dalka Faransiiska, ayaa sheegay in la qabtay raggan intii lagu jiray bilihii November iyo December, intii lagu guda jiray hawlgalo ay si wada jir ah u fuliyeen Booliska Afrikada Dhexe ee Afripol.
Xarigan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo suurta galnimada in kooxda Daacish ay dib u soo cusboonaato, kadib markii laga saaray dalka Siiriya Bashar Al-asad.