Xulafada Trump oo dhaleeceeyay cafiska dambiilayaashii rabshadaha sameeyay Janaayo 6

Mid ka mid ah xulafada ugu sareysa Trump ee aqalka senate-ka ayaa dhaleeceeyay go’aanka madaxweyne Donald Trump uu ku cafiyay ku dhawaad ​​1,600 oo taageerayaashiisa ah oo loo xiray doorkii ay ku lahaayeen rabshadihii Capitol ee 6 Janaayo, 2021.

Senator Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto South Carolina, ayaa sheegay Axaddii inay “khalad” tahay in la cafiyo ama laga khafiifiyo xukunnada “dad galay Capitol oo kuwaas oo si xun u garaacay sarkaal booliis ah”.

Ugu yaraan 600 oo mudaaharaadayaal ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay weerareen ama hor istaageen saraakiisha fulinta sharciga ee lala xiriirinayo weerarkii ka dhacay xarunta Maraykanka ee Capitol.

Madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa difaacay cafiskii Axadii, isaga oo sheegay in Trump “uu qaatay go’aan sax ah”.

Waxay ahayd dib u garasho Vance, oo yiri laba toddobaad ka hor “haddii aad rabshad samaysay maalintaas, sida iska cad waa inaan lagu cafin”.

Sahan ay dhowaan samaysay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegaya in 10kii qof ee Maraykan ahba laba ka mid ahi ay ogolaadeen in la cafiyo inta badan kuwii ku lugta lahaa weerarka.

Graham waxa uu qiray in madaxwaynuhu “uu leeyahay awooddaas” waraysi uu siiyay CNN Axadii, laakiin waxa uu sheegay in aanu ku raacsaneyn isticmaalka Trump ama madaxweynihii ka horreeyay – Joe Biden.

Ka hor inta uusan xafiiska ka tagin todobaadkii hore, madaxweynihii hore ayaa cafis u fidiyay xubno ka tirsan qoyskiisa iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka asaliga ah oo ku lug lahaa toogasho lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan FBI-da.

“dhinacna ma jecli,mana u malaynayo in dadweynuhu ay jeclaysteen,” ayuu u sheegay CNN.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker