Waqtiga ay Israa’iil uga bixi lahayd Lubnaan oo dhammaaday iyo ciidankeeda oo weli jooga
Ciidamada Israa’iil ayaa sii joogay koofurta Lubnaan iyadoo maanta ay tahay xilliga kama dambeysta ee ay uga baxayeen halkaas kadib markii ay sheegeen in heshiiska xabbad-joojinta ee Xisbullah lala galay uusan si buuxda u dhaqan-gelin.
Heshiiskan 60-ka maalmood, oo dhexdhexaadiye ay ka ahaayeen Mareykanka iyo Faransiiska ayaa soo ajfaray 14 bilood oo dagaal ah, waxaana qodobbada ku jiray ka mid ah in ciidamada Israa’iil ay isaga baxaan koofurta Lubnaan iyo in dagaal-yahannada Xisbullah iyo hubkoodaba halkaas laga saaro.
Kumannaan kumannaan ciidamada Lubnaan ayaa la doonayaa in aaggaas la geeyo, halkaasoo tobnaan sano ay Xisbullah maamuleysay.
Ma cadda tirada ciidamada Israa’iil ee ku haray Lubnaan iyo muddada ay sii joogayaan.