Israa’iil oo Xamaas ku eedeysay inay jebisay shuruudda xabbad-joojinta

Israa’iil ayaa ka hor istaagtay kumannaan Falastiiniyiin ah inay ku laabtaan guryahooda. Hakinta lagu sameeyay Falastiiniyiinta ayaa timid kadib markii Xamaas ay sii daayeen afar haween ah oo ka tirsan ciidamada Israa’iil, halka Israa’iilna ay sii deysay 200 oo maxaabiis falastiiniyiin ah.

Balse Israa’iil ayaa sheegtay in dadka reer Qasa aan loo oggolaan doonin inay u safraan waqooyiga ilaa inta laga dejinayo qorshaha lagu sii deynayo Arbel Yehud oo rayid Israa’iili ah.

Xamaas ayaa ku adkaysatay inay nooshahay oo la sii dayn doono toddobaadka soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker