Shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida oo ka cabanaya qiimaha xajka ee sannadkan oo aad u badan

Dadka ku nool Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa si aad ah cabasho waxa ay uga muujiyeen qiimaha sanadkaan ay xujeeyda ku xajin doonaan, waxaana arrimahaasi loogu sababeeyay in qiime dhaca lacagta Itoobiya ay saamayn xooggan ku yeelatay lacagta sannadkan lagu aadayo xajka, taas oo noqonaysa laba jibbaar qiimihii sannadkii la soo dhaafay.

Lacagtii ku baxday dadkii gutay waajibaadka xajka sannadkii hore, oo ahayd 329 kun oo Birr ayaa hadda noqon doonta 625 kun oo ah lacagta Birr-ta ee Itoobiya, sida ay shaaciyeen golaha sare ee arrimaha Islaamka ee deegaanka Soomaalida, Tani waxa ay  la micne tahay in kharashaadka laga rabo qofka gudanaya xajka uu gaaray halkii ugu sarreeysay taariikhda dalka Itoobiya.

Maxamed Cabdiraxmaan, madaxa arrimaha xajka ee Deegaanka Soomaalida oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in tani ay tahay go’aan ka soo baxay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya, ka dib markii la darsay isku beddelka labada lacagood ee Doollarka iyo lacagta Birr-ta ee Itoobiya.

“Xajku ma aha mid laga xajinayo Itoobiya gudaheeda ee waxa la tagayaa waddan dibadda ah. Sidaa darteed, lacagta xajka lagu aadayo ma aha Birr ee waa Doollar. Arrinatn waxa sabab u ah isbeddelka ku yimid isku sarrifka lacagta Birr-ta iyo Doollarka. Sanandkii hore waxa xajka lagu aadayay 329,000 Birr oo u dhigantay $5772. Halka maanta lacagta la qaadayo ay u dhiganto $4921 oo sarrifka maanta noqonaysa 622,014 Birr. Markaas meesha ay dadku wax ka dareemayaan waa lacagtii Doollarkii oo cirka isku shareertay iyo tii Itoobiya oo dhulka tagtay. Laakiin marka la eego nidaamka xajka loo shaqaynayo sannadkan ayay jaban tahay” ayuu yiri.

lacagta Itoobiya ayaa wajaheysa qiimo dhicii ugu weynaa ee taariikhdeeda, waxayna taasi saamayn ku yeelatay qaybaha kala duwan ee nolosha dadka ku nool Itoobiya, Si gaar ah, waxa ay tallaabadani u saamaysay dadka raba sannadkan in gutaan waajibaadka xajka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker