Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqaymo Culus ka Gaystay Gobolka Gado ee.Somalia

Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee  Kenya ay  duqeymo ka fuliyeen tuulooyin dhowr ah oo ay ku noolyihiin dad xoolo dhaqato ah.

 

 

Deegaannada la duqeeyay ayaa waxaa kamid ah Cows-qurun, Dhamase , Likooley , Garsaal iyo Xisaguur. Waxaana lasoo sheegayaa iney jiraan xoolo geel u badan oo duqeyntaas wax ku noqday.

 

 

Sida ay sheegeen dad ku sugan deegaannada la duqeeyay oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, hadda xaaladda ayaa deggan, laakiin waxaa si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha duqeymahaas ay la’egyihiin.

 

 

Dhinaca kale, wararka laga helayo degmada Ceel-waaq ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya ay isugu yeedheen Odoyaasha deegaanka, iyagoo doonaya iney kala hadlaan kacdoon ka dhashay dad rayid ah oo la sheegay in askarta Kenya ay dishay.

 

 

Xiisad u dhexeysa dadka deegaanka Gobolka Gedo iyo ciidamada Kenya ayaa taagneyd maalmihii lasoo dhaafay , wixii ka dembeeyay markii la helay meydka afarta qof oo ay horay ciidamada Kenya uga wateen guryahooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker