Midowga Yurub oo soo saaray war ka dhan ah jabhadda M23 iyo Rwanda
Midowga Yurub ayaa Sabtida maanta ah ku boorriyay jabhadda M23 oo ay Rwanda taageerto in ay joojiso duullaanka ay ku hayso magaalada Goma, oo ah magaalada ugu weyn ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Madaxa Arrimaha Dibadda Kaja Kalas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aad uga walaacsan yahay sii socoshada colaadda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), oo ay uga sii dartay weerarka soo cusboonaaday ee ay waddo M23 oo ay taageerayaan ciidamada qalabka sida ee Rwanda.
Kaja Kalas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu si adag u dhaleeceynayo joogitaanka ciidamada Rwanda ee Congo, iyadoo ku tilmaamtay xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, cahdiga Qaramada Midoobay iyo midnimada dhuleed ee Congo.
Madaxa Arrimaha Dibada ee Midowga Yurub, Kalas, ayaa sheegtay oo kale in magaalada Goma uu saaran yahay cadaadis aad u xoogan ayna hanjabaadda M23 ay ku dooneeyso inay ku qabsato Goma ay tahay wax aan la aqbali karin, magalada oo ay ka jiraan dhibatooyin bini’aadantinimo iyo kuwo ammaan oo aad u xun.
Brussels waxa ay sidoo kale ku boorrisay Rwanda in ay joojiso iskaashiga ay la leedahay kooxaha hubeysan ee gobolka oo ay ku jirto jabhadaha qowmiyadaha ee ka hawl gala bariga Congo.