Gabdho Soomaali ah oo ku biiray Daacish oo xukun xabsi lagu riday dalka Norway
Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano, ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka, wararku waxa ay tibaaxeen in Gabadha weyn lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah, oo mid ka mid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay.
Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya, Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay – sida ay markii dambe ku sharraxeen email – uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad, Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar.