Rag la sheegay in ay ka ganacsanayeen hilibka Geriga oo lagu xidhay Jubada Hoose
Booliska degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa soo xiray labo nin, kuna raad jooga mid kale kadib markii lagu soo qabtay iyagoo ugaadhsanaya kana ganacsanaya hilibka Geriga.
Dilka iyo ugaadhsiga ugaadha ayaa mamnuuc ka ah Soomaaliya, balse sanadihii colaadda iyo dgaallada ayaa caadi ka dhigtay dilka iyo ka gancsiga ugaadha. Sharciga oo si tartiib tartiib ah u soo laabanaya ayaa keenay in la raadraaco dadka dhibaatada ku ah deegaanka.
Taliyaha booliska degmada Dhoobley Gashaanle Sare Maxamed Haybe Muxumad ayaa sheegay in rag ku eedeysan toogashada iyo ka ganacsiga ugaadha la soo xiray, waxa uuna diginin u diray cid kasta ee lug yeelata waxyeeleynta deegaanka.
Taliyaha oo la hadlay telefishanka Jubaland ayaa yiri “ciidamada boolisku way shaqeeyeen aad bay arintaas uga soo horjeedaan, wayna dadaaleen, waxa lagu soo helay xoolahaas si dayday ah, magaalada ayaa la rabay in la soo galiyo, waynu ogaanay kabacdina waa ka hortagnay oo hawlgal baan ka sameynay, waa ku guuleysanay, sedexdaa gari iyo labadii nin ee wadatay iyo mid baxsaday oo iyaga sedex ku ahaa bay ahaayeen kii baxsaday maahee labadii kale iyo hilibihii ayaan soo qabanay” ayuu yiri taliye Maxamed Haybe.
Ugaadh badan ayaa u yaacday wadamada dariska la ah Soomaaliya kadib markii ay ku nabadgali waayeen gudaha ama la jaray dhirtii ay gabaadsan jireen.