Qaramada Midoobay oo ka digaysa in dagaalka dalka Koongo uu ku fido gobolka intiisa kale

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay in dagaalka kooxda M23 ka wado dalka Koongada dimoqaraadiga uu isu badali karo dagaal buuxa oo gobolka ka dhaca xili ciidamada Koongo ay dagaal kula jiraan xoogagga mucaaradka oo ku sii siqaya magaalada ugu weyn bariga wadankaasi iyadoo kumannaan qofna ay ka baxsanayaan guryahooda.

Dagaalka ka socda dhulka bariga ee hodanka ku ah macdanta ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bilowgii sanadkan waxana kooxda Tutsigu hoggaamiyo ee M23 ay maamulayaan dhul balaaran taasoo aan horay u dhicin.

Maanta oo Jimce ah kooxaha isbahaysiga mucaaradka oo ay ku jirto kooxda M23 ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay qabsadaan magaalada Goma oo ah caasimadda gobolka, waxana ku nool dad ka badan hal milyan.

Dawladda Koongo iyo Qaramada Midoobayba waxay ku eedeeyeen dalka dariska ah ee Rwanda in uu shidaal ku sii shubayo kacdoonka sedex sano jirsaday, isagoo hub iyo ciidanba siinaya kooxaha mucaaradka wallow Rwanda ay iska diiday eeddaas.

“Weerarkan wuxuu khasaare ba’an u geystay dadka rayidka ah, wuxuuna sare u qaaday halista dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa,” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric.

Xoghayaha Guud “wuxuu ugu baaqayaa dhammaan jileyaasha inay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo iyo in la joojiyo dhammaan noocyada taageerada kooxaha hubeysan,” ayuu intaa ku daray Dujarric.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker