Duufaanta Éowyn oo sababtay in la xiro iskuullo lana baajiyo duulimaadyo Waqooyiga Ireland iyo qaybo ka mid ah Scotland
Malaayiin qof oo ku nool Waqooyiga Ireland iyo qaybo ka mid ah Scotland ayaa lagula taliyay inaysan saaka ka soo bixin guyaha iyadoo duufaanta Éowyn ay ku wajahan tahay bariga UK.
Iskuulladu waa xiran yihiin halka wadada, tareenada, hawada iyo safarka badda ay wajahayaan weyn xaalado hubanti la’aan ah maadaama digniinta cimilada ee Met Office ay tahay mid dhif ah oo la qorsheeyay in ay dhaqan gasho.
Saadaasha ayaa muujinaysa in duufaantu ay ku soconaysa saacadiiba 161-kiiloo mitir meelaha xeebaha qaarkood waxa ay la macno tahay in ay jirto khatar weyn oo ka imanaysa qashinka duulaya oo dabeysho waddo.
Duufaantan o wadata dabeylo xooggan waxaa ay sidoo kale sababtay in la xiro meelaha qaar xaruumaha ganacsiga, sidoo kale waxaa la baajiyay duulmaadyo, iyadoo la xadiday dhaqdhaqaaqyada garoomada diyaaradaha.