Dolwadda Shiinaha oo dil ku xukuntay nin gaystay weerar khasarae dhaliyay
Nin u dhashay dalka Shiinaha oo mindi ku weeraray haweeney iyo ilmo u dhashay dalka Japan, isla markaana dilay haweenayda u dhalatay dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay dil, sida ay sheegtay dawladda Japan.
Maxkamad ku taal Shiinaha ayaa sheegtay in Zhou Jiasheng, oo 52 jir ah, uu fuliyay weerarka 24-kii Juun ka dib markii uu waayay shaqadiisii laguna yeeshay deymo, taasoo loo malaynayo in ay keentay isku buuq.
Weerarka ayaa ka dhacay banaanka iskuul ay wax ku bartaan carruurta dalka Japan kaasoo ku yaalla gobolka Suzhou ee dalka Shiinaha, waxaana uu ahaa mid ka mid ah saddex weerar oo lagu qaaday dad ajaaniib ah oo sanadkii hore ka dhacay dalka Shiinaha.
Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo mas’uuliyiinta Shiinaha ay fuliyeen dhowr dil maalmihii la soo dhaafay.